Uganda ayaa si rasmi ah u bilowday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo, iyadoo arrintaasi u fulinaysa si tartiib-tartiib ah oo qaybo-qaybo ah, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qayb qaadanayeen hawlgallada lagu xoojinayay amniga Soomaaliya. Ciidamadii ugu horreeyay oo ka kooban 109 askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Uganda (UPDF) ayaa la sheegay inay Jimcihii ka ambabaxeen magaalada Muqdisho. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, uu ku dhawaaqay in dalkiisu bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya. “Sidii aan ballanqaadnay, waxaan bilownay inaan ciidamadeenna UPDF kala baxno Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig daatay iyo naf-hurnimo ah, waxaan mas'uuliyadda amniga ku wareejinaynaa walaalaheenna Soomaaliyeed,” ayuu Muhoozi ku qoray barta X. Afhayeenka ku-meelgaarka ah ee milatariga Uganda, Chris Magezi, ayaan ka jawaabin codsi ay BBC-du u dirtay oo ay kaga dalbanaysay inuu arrintan faahfaahin ka bixiyo. Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ciidamo u soo dira Soomaaliya, xilligii hawlgalkii Midowga Afrika ee loo yaqaanay AMISOM. Ciidamadeeda ayaa garab dagaallamay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo ka hortagay kooxda Al-Shabaab, isla markaana gacan ka geystay dib u qabsashada deegaanno muhiim ah oo kooxdu hore u maamuli jirtay iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowladda. Sannadkii 2024-kii, hawlgalkii AMISOM waxaa loo beddelay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Hawlgalkan cusub ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta hay'adaha amniga Soomaaliya iyo diyaarinta ciidamada maxalliga ah si ay ugu dambayn si buuxda ula wareegaan mas'uuliyadda amniga dalka. Si kastaba ha ahaatee, Uganda gebi ahaanba kama aysan joojin hawlgalkeeda milatari ee Soomaaliya. Ciidamada hadda baxaya ayaa qayb ka ah dhimista tirada askarta Uganda ee dalka ku sugan, taas oo lagu fulinayo heshiis milatari oo gaar ah oo dhexmaray Kampala iyo Muqdisho. Uganda waxay sii wadi doontaa inay ciidamo ku biiriso hawlgalka amniga Soomaaliya ee uu taageero Midowga Afrika. Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: "Helitaanka qaab jireedkan wuxuu u baahan yahay dadaal ka badan kan ragga" –Haweenka Itoobiya ee ku tartama dhisida murqaha Kiisaskee Dimuqraadiyiintu baari doonaan haddii ay helaan aqlabiyadda Koongareeska
Uganda oo bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kaddib 20 sano oo ay dalka joogeen - BBC News Somali
Uganda ayaa si rasmi ah u bilowday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo, iyadoo arrintaasi u fulinaysa si tartiib-tartiib ah




